Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka digay in Dadka la gaaleysiiyo, lana dilo iyagoo aan la xukumin

Cabirka Farta

Isniin, October 20, 2008(HOL): Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Asmara u doorteen Guddoomiye ayaa wuxuu baaq u diray xooggag muqaawamada ah ee ka dagaallamaya gudaha Soomaaliya.

Shiikh Xasan oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay soo gaarayeen warar ku saabsan in dadka la gaaleysiiyo iyadoo aan daliil cad lagu heynin, isla markaana murtid lagu tilmaamo, sidoo kalena dadka la iska dilo iyadoo aan la xukumin.

Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in ay Shareecada Islaamka banneyneynin in qof muslim ah la gaaleysiiyo, sidoo kalena wuxuu sheegay in uusan bannaaneyn dilka qof aan lagu qaadin xukun Islaami ah.

Dhanka kalena, Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay wada hadallada Jibouti ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif, wuxuuna sheegay in aysan wada hadalladaas keeneynin wax xal ah, wuxuuna sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro iyadoo ay Ciidamada Shisheeye ka baxaan Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Shiikh Xasan Daahir in iyadoo ay dadka Soomaaliyeed nabadgelyo heysteen oo ay Maxkamadaha Islaamka fureen Garoonka iyo Dekedda Muqdisho ay ku soo duuleen Ciidamo shisheeye, kadibna ay burburiyee nabaddii ay ka hirgeliyeen Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in haddii ay Ciidamada Shisheeye ka baxaan Soomaaliya ay dadka Soomaaliyeed ka heshiin karaan khilaafaadyada dhexdooda ah, wuxuuna caddeeyay in ay Soomaalida caado u leeyihiin in ay wada hadal ku dhameystaan arrimaha ay isku qabtaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia