Dagaal ka dhacay Muqdisho oo ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda kula wareegeen gacan-ku-heynta Saldhigga Galbeed

Cabirka Farta

Isniin, October 20, 2008(HOL): Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalkaas oo ahaa mid socday qadar nus saac ah ayaa waxaa uu geystay dhismashada Askari ka tirsanaa Ciidamada Saldhigga Booliska Galbeed iyo dhaawaca seddex ruux oo kale oo ay dad rayid ah ku jireen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan Degmada Dharkeenley  oo aan la xiriirnay Xoogagga dagaalka la galay Ciidamada Dowladda ayaa waxay waqti kooban la wareegeen gacan-ku-heynta Saldhigga Booliska Galbeed, halkaasi oo ay isaga tageen markii ay qadar daqiiqado ah ku sugnaayeen.

Laakin  Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo dagaalkaas ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in aaney waxba ka jirin in Saldhigga laga qabsaday, isla markaana Askari laga dilay, wuxuuna kaliya sheegay in uu dagaalkaas dhaawac ka soo gaaray Askari ka tirsan Ciidamadooda.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid uu xaalkeeda sii xumaanayo, waxaana marba marka ka sii dambeysa soo xoogeysanaya dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeye ee gacanta siinaya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana xusid mudan in mar kasta uu khasaaraha dagaalladaas ku dhaco dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia