Sabti, October 18, 2008(HOL): Taliyaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin eedeyn loo soo jeediyay oo ahayd in ay duulimaadyo ka reebeen dad shalay ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Jen. Gaafow waxaa uu sheegay in eedda arrintaas ay iska lahayd Shirkadda Diyaaradaha Africa Airways oo sida uu hadalka u yiri wax is-daba marisay, kadibna garoonka uga dhaqaaqday dad u soo diyaargaroobay in ay dalka ka dhoofaan.
Taliyaha Waaxda Socdaalka waxaa uu intaas ku daray in dad 40 ruux gaaraya oo isugu jiray kuwo u socday gudaha dalka iyo kuwo dalka dibaddoosa u socday ay shirkaddaas ka tagtay, wuxuuna caddeeyay in aysan mas’uuliyadda arrintaas iyagu lahayn.
Dhanka kalena, Jen. Gaafow waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay ku adkeysanayaan go’aankii ay ku mamnuuceen Baasaboorkii cagaarnaa, wuxuuna sheegay in ay kaliya ogol yihiin in ay garoonka ka dhoofto qof kasta oo wadata Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shirkadda Diyaaradaha Africa Airways oo ku saabsan hadalka uu sii daayay Taliyaha Waaxda Socdaalka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ee ah in ay Shirkadda Africa wax is-daba marisay, kadibna ay dad garoonka uga tagtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia