Sabti, October 18, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu wax ka qaban doono amni darro ku soo korortay gobolka, gaar ahaan Magaalada xaarunta u ah ee Marka.
Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa sheegay in ay baadi-goob ku hayaan kooxo falal nabadgelyo ah ka geysta gudaha Magaalada Marka, waxayna sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxahaas.
Hadalka ay sii daayeen mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay gudaha Magaalada Marka lagu dilay Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Muuse.
Ka sii horna waxaa Magaalada Marka ka dhacay Weerar lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Hay’ad lagu magacaabo Water For Life (WFL), kuwaasi oo ka badbaaday fal la doonayay in lagu waxyeeleeyo, waxaana falkaas ka horeeyay qarax duleedka Magaalada Marka lagula beegsaday Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan UNOPS.
Ugu dambeyntiina, falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhacay Degmada Marka iyo nawaaxigeeda ayaa waxay iftiiminayaan in aanu hagaagsaneyn ammaanka Magaaladaas, waxaana falalkan amni darrada ah walaac ka muujinaya dadka degmadaas ku dhaqan oo u badan kuwo nabadeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia