Sabti, October 18, 2008(HOL): Labadii cisho ee la soo dhaafay Magalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan waxaa ka jiray falal Af-duub ah oo kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay ku kala kacayaan dadka rayidka ah, xili Nabad-galyadda guud ee Magaalada iyo guud ahaan Gobalka gacanta ku hayaan Ciidamada Midowgga Maxkamadaha.
Habeenimadii xalay ayay aheyd markii kooxo ku hubeysan Bastoolado meel aan ka fogeyn gurigeeda ay ka qafaasheen Gabar dhalinyaro ah oo xiligaa ku sii jeeday hoygeeda inkastoo saacado kooba kadib la sii dayay.
Gabadha oo diiday in Magaceeda la sheeciyo ayaa HOL uga sheekeysay sida Afduubkeedu u dhacay " Markii aan marayay meel aan sidaa uga fogeyn Gurgii aan daganaa ayaan la kulmay gaari Toyota SURF ah oo taagan Gurigeena agtiisa waxaana markiiba gaariga ka soo dagay labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaa oo madaxa ku soo xirtay Cimaamado Gaduudan, waxaana ay ugu amreen in aan galo gudaha gaariga, intaa kadibna Gaarigii waa uu dhaqaaqay, waxaa ay ii sheegeen in ay i weydiinayaan Su'aalo oo kaliya laakiin aan la i dili doonin.
Hase ahaateen mid ka mid ah kooxdii gaariga saarneyd ayaa ku dhawaaqay eray ah'' War naga sii daaya ma aha Qofkii aan rabnay'', markii uu intaa yiri ayaa leygu wargaliyay in aan fasax ahey layguna qalday qof kale oo la raadinayay”ayeey intaa ku sii dartay Gabadha oo u muuqtay qof wali ka argagaxsan falkii xalay lagula kacay.
Sidoo kale maalin ka hor ayay aheyd markii goob gaadiidka laga raro oo ku taala Bartamaha Magaalada Beledweyne ka kaxeyteen kooxo hubeysan wiil dhaliyaro ah, walow markii danbe Ciidamada Maxkamadaha oo falka dhacay lagu wargaliyay soo qabteen Sadax ka mid ah kooxda Af-duubka geysatay kuwaas oo Xabsiga la dhigay.
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa wax badan iska weydiinaya sababta keentay in kooxo aan la garaneyn isla markaana hubeysan gudaha Magaalada ka fuliyaan falalkan isugu jira Af-duubka iyo waliba dilka dadka rayidka ah, maadaama Mas'uuliyiinta Midowgga Maxkamadahu horay u sheegeen in Magaaladu ammaan tahay isla markaana aysan jiri doonin falal lagu waxyeeleynayo Nabad-galyada guud ee Gobalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia