Dagaallo Dhimasho badan geystay oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, October 16, 2008(HOL): Ku dhawaad 15 ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii ay ku habsadeen madaafiic la isugu adeegsaday dagaal galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dadkaas dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayay dhibaatadaas soo gaartay kadib markii ay mar kaliya dagaallo ka qarxeen deegaanno ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Galabta Casir-liiqii ayaa waxay dagaallo mar kaliya  ka qarxeen Xarunta Saraakiishii Ciidamada ee Shirkoole, Xeradii Guul-wadayaasha, Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Isgoyska Cali Kamiin, meelahaas oo ay ku yaaliin Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.

Dad dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen kuwo ay Madaafiicda ugu tageen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha iyo hareerarihiisa, waxaana ugu xanuun badan dadka dhintay Qoys uu madfac kula dhacay nawaaxiga Shirkadda Isgaarsiinta Nation-Link ee Bakaaraha, kaasi oo ay afar ruux ka geeriyootay.

Dagaalka galabta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa mid waqti kooban socday hayeeshee aad u cuslaa ayaa wuxuu daba socday dagaal saaka ka dhacay Isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa, kaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalkii saaka waxaa uu geystay khasaare dhimasho ah oo gaaraya 5 ruux, iyo dhaawac 10 ruux ruux oo kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Madiina, waa sida uu ku waramay Cali Cadde oo ka mid ah Howl-wadeennada Isbitaalkaas.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid uu xaalkeeda sii xumaanayo, waxaana marba marka ka sii dambeysa soo xoogeysanaya dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeye ee gacanta siinaya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana xusid mudan in mar kasta uu khasaaraha dagaalladaas ku dhaco dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia