Waalidiinta Arday wax ka barata Dugsiga sare ee Degmada Cadale oo eedeyn u jeediyay Hay'ad Dugsigaas gacanta ku heysa

Cabirka Farta

Khamiis, October 16, 2008(HOL): Waalidiinta iyoArdayda ku dhaqan degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ka cabanayaan waxbarasho la’aan la soo deristay kadib markii Macallimiin wax ka dhigeysay Dugsiga sare ee Degmada ay halkaas isaga tageen.

Shalay ayay ahayd markii Ardayda Dugsiga sare ee Degmada Cadale ay waalidiintooda u gudbiyeen cabasho ku aadan in aysan helin waxbarasho fiican tan iyo markii ay macallimiintii tayada lahayd ee dugsiga ay meesha isaga tageen sababo iyaga u gaar ah aawgood.

Qaar ka mid Waalidiinta Caruurtan oo la soo xiriiray HOL ayaa waxay sheegeen in ay ka cabanayaan maamulka Dugisga sare ee Degmada oo hoos-taga Hay’adda Saacid, kaasi oo ay  ku eedeeyeen in uu kaliya ardayda lacag ka qaato, isla markaana uusan siinin Waxbarashadii ay xaqa u lahaayeen.

Waalidiintan oo ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Xasan, Maxamed Axmed Yabarow, Xasan Macow Tuur-yare iyo Abuukar Qalinle ayaa waxay sheegeen in Caruurtooda aysan helin waxbarashadii loo baahnaa iyadoo uu sii dhamaanayo sanad-dugsiyeedka, waxayna caddeeyeen in maamulka Dugsiga uu Ardaygiiba ka qaato lacag dhan 5$ iyadoo wax lagu barayo aysan jirin.

Waalidiintan oo sii cabanayay waxay intaas ku dareen in muddo afar bilood ah aysan Caruurtooda helin wax lagu tilmaami karo waxbarasho, waxayna caddeeyeen in aysan taasi u sii dul-qaadan karin.

Waxay sheegeen Waalidiinta dhalay Ardaydan in ay la xiriirayeen maamulka Hay’adda SAACID, isla markaana aysan ilaa iyo haatan jirin wax ay cabashadooda ka qabatay, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ku gacan-siineysa sidii ay Caruurtooda Waxbarasho ku heli lahaayeen.

Ugu dambeyntiina, Waalidiintan waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in iyadoo meelaha qaarkood waxbarashada la gaarsiinayo Tuulooyinka dalka  uu baaba’o Dugsiga sare ee Degmada Cadale oo ka mid ah Dugsiyada waa weyn ee dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia