Dhaawaca Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland oo maanta la keenay Dekadda Boosaaso

Cabirka Farta

Khamiis, October 16, 2008(HOL): Dhaawaca laba Askari oo ku soo dhaawacantay hawlgalkii ay Ciidamada Puntland ku soo furteen Markabkii Shirkadda Barwaaqo ayaa Maanta la keenay Dekadda Magaalada Boosaaso si loo dabiibo.

Labadaan Askari ayaa dhaawac ahaan loo dhigay Isbitaalka Puntland ee Magaalada Boosaaso si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo maadaama shaqo wayn u qabteen Shacabka Soomaaliyeed. Saraakiil dhanka Ammaanka ah ayaa ku booqday labadani Askari isbitalka Puntland, iyagoo ugu hambalyeenayay shaqadii ay ku soo dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Poliska DGPL General Gaani Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa Saraakiishi labadan askari ugu tagtay Isbitaalka ayaa sheegay in labadan askari la-gudoonsiin doono billado khaas ah marka ay soo caafimadaan.

Dhawaan ayay ahayd markii askar ka tirsan Ciidanka Booliska  Puntland ay xoog ku soo furteen Markab u raranaa Ganacsato Somaaliyeed, kaasi oo ay ku dhaawacmeen labadan Askari

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso ,Somalia