Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo ka soo horjeestay in guddoomiyenimadii Maxkamadaha Islaamka laga qaaday Shiikh Shariif

Cabirka Farta

Axad, October 12, 2008(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Mas’uuliyiintan oo ay ka mid yihiin Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Shiikh Maxamuud Jimcaale Caga-weyne, Shiikh C/raxmaan Dheere, Shiikh Xuseen Maxamed Jimcaale iyo Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa waxay shegeen in haddii la bedelayo Hoggaanka Maxkamadaha Islaamka ay tahay in ay shir isugu yimaadaan dhamaan 91-ka xubnood oo uu ka kooban yahay Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka.

“Waxaan idiin sheegeynaa Shirkii Asmara waxaa ka qeybgalay 3 xubnood oo ka mid ahaa Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka, 88-da xubnood ee soo hartayna kama qeybgelin, marka ma dhici karto in seddex qofood oo meel tegay ay yiraahdaan waxaa xilkii ka qaadnay Shiikh hebel”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Jimcaale Caga-weyne.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in aysan mas’uuliyiinta maxkamadaha ee gudaha ku sugan aysan  wax saameyn ah ku yeelaneynin khilaafaadyada u dhaxeeyay madaxda maxkamadaha, wuxuuna caddeeyay in ay dhex-dhexaad ka yihiin arrintaas, ayna isku dayayaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jira.

“Golaha Shuurada waxaa madax u ah Shiikh Xasan Daahir Daahir, Shiikh Cumar Iimaan-na waa ku xigaa, Golaha Fulintana waxaa madax ka ah Shiikh Shariif, Shiikh C/raxmaan Jinaqow  iyo Anigana ku xigeenno ayaan ka nahay, marka ilaa iyo haatan ma jirto meel la isugu yimid oo hoggaankaas lagu bedelay”ayuu yiri Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo ka digay  in la kala jebiyo Maxkamadaha Islaamka.

Shirkan Jaraa’id ee ay qabteen Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saaka Afhayeen u hadlay Wafdi oo ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ka yimid  Magaalada Asmara oo lagu magacaabo Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow uu sheegay in la bedelay Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, laguna bedelay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, isagoo caddeeyay in ay go’aankaas qaateen kadib markii sida uu yiri uu Shiikh Shariif ka leexday dhabihii saxda ahaa ee ay ku socdeen Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia