Axad, October 12, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa Saraakiisha Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay Shacabka ka daayaan Madaafiicda Ridada dheer ee ay ku garaacaan mar kasta oo la weeraro.
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Ciidamada Amisom ay dhibaato xooggan ka geysteen magaalada Muqdisho kadib markii ay madaafiic aan loo meel dayin ku duqeeyeen goobo ay Dad rayid ah ku sugnaayeen oo uu ka mid yahay Suuqa Bakaaraha.
“Ciidamada Amisom haddii ay taageersan yihiin nabadda aan wadno madaafiicda ridada dheer ee ay ku duqeeyaan meelaha fog fog haka daayeen Dadka Shacabka ah” ayuu yiri Axmed Diiriye oo ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd sida uu u arkayo hadal uu sii daayay Sarkaalka hoggaamiya Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan Gen. Francis Okelo, kaasi oo ahaa inay taageersan yihiin nabadda ay wadaan Odayaasha Dhaqanka Hawiye.
Axmed Diiriye oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in waxyaabaha loo heysto Ciidamada Amisom ay tahay in mar kasta oo la weerarro ay madaafiic ku duqeeyaan goobo fog fog oo aan weearar looga soo qaadin, “waxay duqeeyaan Madiina, Dayniile, Boondheere, Kaaraan iyo meelo kale oo fog fog”ayuu yiri Axmed Diiriye oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.
“Haddii ay wax iska celinayaan dadka la dagaallamaya ee weerarrada ku qaada wey iska arkaan ee waxaan leenahay dadka shacabka ah ee guryahooda iyo goobahooda ganacsiga iska jooga madaafiicda ridada dheer haka daayeen”ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali.
Dhanka kalena, Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa wax laga weydiiyay halka ay ku dambeysay xurguf soo kala dhexgashay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay is-arkeen Hoggaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ay ka wada hadleen waxyaabihii soo kala dhexgalay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wax badan isku af-garteen, wax kale oo u harsanna ay ka wada hadli doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia