Axad, October 12, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay magaalada Muqdishoayaa mar ay sii marayeen Deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye waxaa lala beegsaday Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu hurdada ka toosiyay dad badan oo ku dhaqnaa Deegaanka Carbiska, kuwaasi oo isugu jira kuwo horay halkaas u deganaa iyo kuwo qax ku tegay.
Dad ku sugan Deegaanak Carbiska ayaa waxay sheegeen in qaraxaas ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo watay ilaa 7 gaari oo Ural ah, waxaana halkii qaraxa lagula beegsaday lagu arkay burburka qaar ka mid ah Gaadiidkii ay wateen iyo weliba dhiig, waxayna taasi dadkii arkay ku tilmaameen in Ciidamada waxyeello soo gaartay.
Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa waxay muddo saacado ah ku sugnaayeen halkii qaraxa lagula eegtay, waxayna kadib sii wateen socodkoodii iyagoo u jiheystay dhinaca Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay u barakaceen inta badan Dadkii Muqdisho ku noolaa ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo lala beegsado Ciidamada Itoobiyaanka ah ee wadadaas isticmaala, kuwaasi oo iyana marka waxyeello loo geysto dadka halkaas ku sugan iyo kuwa socotada ah dhibaateeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia