Sabti, November 08, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta wuxuu si weyn u dhaliilay maamulka xiligan loo sameynayo Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in aysan xiligan munaasab ahayn maamul u sameynta Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in iyadoo Dadka Soomaaliyeed ay Ciidamo Itoobiyaan ah heystaan aysan suurtagal ahayn in la soo hadal qaado maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir.
“Suurtagal ma ahan in iyadoo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho laga hadlo maamul u sameynta Gobolka Banaadir waayo waxaa is-diidaya in la yiraahdo waxaa la sameynayaa maamul ay dadka deegaanka soo doorteen, hadana ay madaxda gobolka ee loo dooranayo ay ilaaliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah”ayuu yiri C/llaahi Dheere.
C/llaahi Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sidoo kale dhaliilay in qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ay yiraahdaan waxaa nagu yar xubnaha nagala siiyay maamulka loo dhisayo Gobolka Banaadir, “Dadkaas waxaan leenahay ha u hanqal taagina maamul dhismahiisa uusan sax ahayn, isla markaana aanu waqtigan ku habooneyn”ayuu mar kale yiri C/llaahi Dheere.
Dhanka kalena, C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) waxaa uu sheegay in ay si weyn u cambaareynayaan falkii ay Ciidamada Itoobiya shalay ku garaaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, wuxuuna tacsi u diray Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka duqeyntaas ku dhintay, halka kuwo ku dhaawacmay uu Allaah uga baryay Caafimaad.
C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka caado-yeesheen in mar kasta oo xal la raadinayo oo dibu heshiisiinta meel wanaagsan mareyso ay dhibaatooyin u geystaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan meelaha shacbaka halbowlaha u ah sida Suuqa Bakaaraha oo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia