Qunsulka Soomaaliya u fadhiya India oo Xabsi ku yaala Magaalada Hyderabad ku booqday 25 Arday oo dhawaan halkaas lagu xiray

Cabirka Farta


Sabti, November 08, 2008(HOL): Waxaa shalay abaarihii 12:25 pm soo gaaray gobolka Andhra Pradesh gaar ahaan magaalada Hyderabad, Mudane Mohamud Mohamed Elmi (Qoriyow) oo ah Qunsulka DFKS u fadhiya dalka India, kadib markii uu soo degay si toos ah ayuu ugu gudbay xabsiga dhexe ee magaalada Hyderabad, isla markaana waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxda ugu saraysa jailka ay ku xiran yihiin ardayda ,si uu u arko ardayda xiran una soo ogaado xaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin, waxaana u suura gashay Qunsulka in uu arko lana sheekaysto ardayda ku jirta xabsiga.
 
Mudane Qoriyow oo u yimid magaladan Hyderabad sidii uu u xalin lahaa dhibka haysta ardaydan tiradoodu dhan tahay 25 oo taariikhdu markay aheyd 21-ka OCT- 08  lagu xiray dalka India, laguna soo eedeeyay in ay yihiin arday si sharci daro ah ku joogeen. Ardaydan xiran oo isugu jirta kuwa dhigta, sanadaha 1aad,2aad, iyo 3aad ee jaamacaddaha ku yaala magaaladan Hyderabad.
 
Kadib 18 sanno oo burbur uu ku yimid dowladdii dhexe ee Somalia, ayaa ardayda  wax ka barata dibadaha waxaa marwalba ay la kulmaan dhibaatooyin  fara badan oo ka haysta dalalka ay wax ka bartaan, dhacdadan ugu dambaysay ee ku dhacday ardayda Somaliyeed ee wax ka barata dalka India ayaa waxa ay noqotay inta la ogyahay dhibkii ugu badnaa ee soo gaara ardayda Somaliyeed.
 
Intaa waxaa dheer mudo sanooyin ah oo uusan jirin  Qunsul Somaliyeed oo xaliya dhibaatooyinka  soo food saara ardayda soomaaliyeed ee gaaraysa 3000 kun iyo qoysaska ilaa iyo 200 ah oo degan magaalada Hyderabad iyo guud ahaan dalka India, waxaa hada nasiib wanaag ah in ardayda Somaliyeed heleen dad ka damqanaya dhibaatooyinkooda.
 
Kadib dhibaatoyin fara badan oo daashaday ardayda Somaliyeed ayaa tani waxa ay suura gal ka dhigtay in aan loo kala harin soo dhawaynta Qunsulka Somaliyeed Mudane Mohamud Mohamed Elmi (Qoriyow).
 
Mudane Qoriyow oo hada degan HOTEL-ka R.INN. CONTINENTAL halkaas oo uu kulamo is daba joog ah kula yeelanayo bulshada degan Hyderabad, Qunsulka Somaliyeed waxaa uu warbixinadii ugu dambeeyay ka dhagaystay gudiga ardayda iyo odayaasha  waxaana uu balan qaaday inuu dhisi doono jaaliyad Somaliyeed oo ka tarjumi doonta Somalida dagan magaalada Hyderabad.





By Abdirahman Mohamed Omar (G8)
Ibrahim Mohamed Nur (Jowhar)
Tel: +919849797691
Tel: +919866355068
Hydrebad, India