Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo ka dhacay Isgoyska Fagax

Cabirka Farta
Sabti, November 08, 2008(HOL): Isgoyska Fagax ee kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Ciidamadan ka wada tirsan Dowladda Federaalka ee dagaallamay ayaa wuxuu dagaalkooda qarxay kadib markii Ciidamo ku sugan Isgoyska Fagax ay ka dul-yimaadeen Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda, kuwaasi oo ku amray in ay isgoyskaas isaga tagaan.
 
Nin lagu magacaabo Mukhtaar Jareer oo sheegtay in uu  taliye u yahay  Ciidamada ku sugan Isgoyska Fagax ayaa sheegay in iyagoo sida uu hadalka u dhigay howlo shaqo u jooga Isgoyskaas ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo u daacad ah labo nin oo uu ku kala magacaabay Cabdi Jiinow iyo Xasan Dhicisow.
 
Mukhtaar Jareer waxaa uu sheegay in ay iska caabiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaadeen, wuxuuna caddeeyay in ay askari ka dileen, labo kalena ay ka dhaawaceen, halka dhinacooda uu sheegay in aysan wax dhibaato ah oo dagaalka ka soo gaaray.
 
Shalay ahayd markii Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira ay howlgallo isbaarso-qaadis ah ka sameeyeen qaar ka mid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo lacago sharci darro ah ka qaada gaadiidka BL-ka iyo kuwa xamuulka.
 
Dhanka kalena, Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa saaka waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, wuxuuna dagaalkaas ahaa mid la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin wax khasaare ah oo ay dagaalladaas geysteen sabab la xiriirta iyadoo goobaha uu ka dhacay  ay horay uga barakaceen dadkii ku noolaa.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia