Axad, November 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ay maanta magaaladaas ka dhaceen seddex qarax oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay.
Seddexda qarax oo ahaa nooca bambooyinka gacanta laga tuuro, isla markaana loola dan lahaa in lagu waxyeeleeyo ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa gudaha Suuqa weyn ee Baydhabo ayaa waxay geysteen dhimashada 3 ruux oo isugu jiray Ciidamadii qaraxa loola dan lahaa iyo dad rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kale oo gaaraya 20 ruux, kuwaasi oo dad rayid ah u badnaa.
Qaraxyadaas oo magaalada Baydhabo si weyn looga dareemay ayaa markii ay dhaceen kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku riday dadkii ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay, waxaana lagu soo waramayaa in ay rasaastaas dad ku dhaawacmeen.
Qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dorraad qarax kale oo ka dhacay magaalada Baydhabo uu geystay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca 15 ruux oo kale, kuwaasi oo iyana isugu jiray Ciidamo iyo Dad rayid ah.
Dhanka kalena, wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ay maanta magaaladaas ka amba baxeen qaar ka mid ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay in ay u amba baxeen dhinaca Gobolka Gedo, halkaasi oo la sheegayo in ay uga sii gudbi doonaan dalka Itoobiya.
Ciidamada maanta ka baxay magaalada Baydhabo ayaa bixitaankooda wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo madaxda sare ee Dowladda Itoobiya ay sheegeen in ay Ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya inta uusan dhammaanin sanadkan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia