Heshiiska Awood qeybsiga ah ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib-u-Xoreynta is-badal intee la eg ayuu ku keeni karaa Xaaladda Soomaaliya?

Cabirka Farta

Axad, November 30, 2008(HOL): Ifafaalaha soo muuqanaya ma xuma inkastoo Su'aalo taxano ah ay ka dhalan karaan heshiiskii awood qeybsiga ahaa ee maalmo ka hor ku dhaxmaray Dalka Jabuuti Mas'uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Dalka garabka uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Heshiiska ay gaareen labada garab oo dhinacyo badan khuseynayay ayaa waxaa laga soo qaadan karaa kan ku saabsan in la dhiso Dowladda Midnimo Qaran oo laga anba qaadayo in marka hore la sameeyo Baarlamaan ka kooban 550 Xubnood, taasoo micnaheedu noqonayo in 275-ta hada jirta lagu soo kordhinayo 275-kala oo laga soo dhax xulayo Isbaheysiga Dib u Xoreynta, Urarada Bulshada Rayidka iyo waliba Qurba joogta Soomaaliyeed.
 
Tirada lagu dhawaaqay in uu noqonayo Baarlamaanka Dowladda wadaaga ah ee la filayo in Mustaqbalka dhaw loo sameeyo Dalka Soomaaliya ayeey dad badani u arkaan in laga bad badiyay gaar ahaan marka la eego baaxadda lagu heshiiyay in Baarlamaanku noqdo.
 
Dhinacyada heshiiska gaaray ee Mucaaradka iyo Dowladda ayaa u qiil-bixinaya sababta ay u doorteen Baarlamaanka intaa la eg, C/raxmaan Cabdi Shakuur oo Isbaheysiga dib u Xoreynta Dalka u saxiisay heshiiska ayaa sheegay in ujeedadu tahay in la qanciyo dhinacyada Soomaalida oo dhan si markaas looga gudbo caqabadaha hadda jira ee ku saleysan sad-bursiga.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa dhinaciisa sheegay in uu dareemo culeyska uu leeyahay Baarlamaanka lagu heshiiyay in la dhiso, laakiin waxaa uu yiri arinta waxaa laga fiiriyay dhinaca xalka si Nabad loo gaaro.
 
Laakiin marka laga soo tago muranka iyo doodaha ku aadan tirada la sheegay in uu noqonayo Baarlamaanka Muqstaqbalka dhaw lagu wado in loo sameeyo Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa xusid mudan in su'aasha ugu muhiimsani tahay is-badalka ka dhalan kara haddii ay awooda qeyb-sadaan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbeysiga dib u Xoreynta.
 
Runtii markiiba laguma deg degi karo Jawaabta Su'aasha maadaama wali ay jiraan dhinacyo badan oo u arka hishiiska ay galeen Isbaheysiga dib u Xoreynta iyo Dowladda Federaalka mid aan wax micno ah laheyn isla markaana aan waxba ka badali karin xaaladda markii horeba qasneyd ee dalka Soomaaliya.
 
Balse marka la eego culeyska iyo miisaanka ay gudaha ku leeyihiin Mas'uuliyiinta heshiiska gaartay ayaa waxaa la oran karaa haddii ay wax isku darsadaan ugu yaraan waxaa dhinci karta in ay qafiifiyaan marxaladda adag ee haatan dalku ku jiro.
 
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya garabka hishiiska la galay Dowladda Federaalka ayaa dhiniciisa ka sii digaya in xaaladdu sii qasmi karto marka ay dalka ka baxaan Ciidamada Itoobiya, waxaana uu ku dhawaaqay in mar walba lama huraan tahay in la helo Ciidamo shisheeye maadaama ayuu yiri horey looga quustay in Soomaalidu dhaxdeeda is-xaliso.
 
Waxaana uu Shiikh Shariif intaas ku daray in uu rajo weyn ka qabo Nabad ka dhalata dalka Soomaaliya marka Ciidamada Itoobiyaanku baxaan lana dhiso Dowladda loo dhan yahay oo dhinacyada Soomaalida oo dhan ku wada jiraan.
 
Ugu dambeyntii, saadaashu waa mid muujineysa Rajo nabadeed oo u soo iftiintay Shacabka Soomaaliyeed mar haddii la arkayo Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka oo inta isa soo hor fariisteen waliba ku heshiiyay in ay wada dhistaan  Nidaam ay ku mideysan yihiin, Balse waxaan oran karaa wali (Timir Lafbaa ku jirta)
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia