Maamulka cusub ee G/Banaadir oo howlgallo Isbaaro-qaadis ah ka sameeyay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Deegaanka Siinka Dheer

Cabirka Farta

Axad, November 30, 2008(HOL): Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa saaka wuxuu howlgallo isbaaro qaadis ah ka sameeyay  inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Deegaanka Siinka Dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Meelaha Isbaarooyinka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah halka loo yaqaano Sar-kuusta iyo Deegaanka Siinka Dheer,  halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaadiidka ka qaadi jiray lacago baad ah.

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa meelaha uu Ciidamadaas ka qaaday wuxuu  geeyay ciidamo kale oo hor leh, kuwaasi oo la sheegay in ay taabacsan yihiin maamulka cusub ee dhawaan loo sameeyay gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa howlgalkaas isbaaro qaadista ah ka qeyb-qaatay, waxayna sheegeen in meelaha ay Ciidamada ka qaadeen ay ahaayeen meelo lagu dhibaateyn jiray Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye.

Dhanka kalena, Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa shalay wuxuu shaaca ka qaaday in uu canshuur qaadis ka bilaabi doono Magaalada Muqdisho, wuxuuse sheegay in lacagta canshuurta ah ee la qaadayo ay tahay mid sharciyeysan oo ay dadka ka qaadi doonaan Ciidamo ka socda Dowladda hoose, kuwaasi oo canshuurta qaadi doona iyagoo qaba labiskii lagu yaqaanay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia