Isniin, November 17, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu gaaray Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, halkaasi oo uu ku tegay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Dalkaas Col. Mucamar Al-Qadaafi.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Danjire C/xakiin Ugaas Yaasiin ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in madaxweynaha uu kulamo la leeyahay Madaxweynaha Liibiya oo casuumaad gaar ah u fidiyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka wada hadlayaan arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.
Safiirka waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne ay muddo dheer saaxibo ahaayeen, isla markaana uu madaxweyne Yuusuf sanadihii la soo dhaafay uu booqasho ku tegayay dalka Liibiya, booqashadiisanna ay la mid tahay booqashooyinkaas hore.
Marka laga soo tago hadalka Safiirka ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta waxyaabaha uu rasmi ahaan salka ku hayo socdaalka Madaxweyne Yuusuf ee Dalka Liibiya weliba xili uu khilaaf xooggan u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor oo ka mid ah Xildhibaannada sida weyn u mucaarada siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Dalka Liibiya ka doontay lacag uu ku kala furfuro Baarlamaanka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in markii uu ku fashilmay qorshooyin uu doonayay in uu ku hor-istaago Wasiirro uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu go’aansaday in uu Xildhibaannada Baarlamaanka kala qeybiyo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu yahay mid bannaanka yaalla oo qudhooda ay saxaafadda ka caddeeyeen, wuxuuna khilaafkoodan uu ku soo beegmayaa iyadoo ay bilo ka harsan yihiin mudadii shanta sano ahayd ee loo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay hoggaanka dalka heyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia