Isniin, November 17, 2008(HOL): Iska hor-imaad u dhaxeeya Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee inta badan degmooyinka gobolkaas lagala wareegay ayaa xalay wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi oo Gobolka Shabeelaha Hoose.
Iska hor-imaadkaas oo dhacay labo jeer oo kala ah shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii hore ayaa wuxuu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac 5 ruux ka badan, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay iyo dad rayid ah.
Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay horay u joogi jireen Ciidamada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa lagu arkayay Xoogag ka amar qaata maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo halkaas howlgallo ka sameynaya.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka tirsan oo ka hadashay iska hor-imaadkaas dhimashada iyo dhaawaca sababay ee ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Deegaanka uu iska hor-imaadka ka dhacay ayaa waxaa degan dad badan oo ka barakacay Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hareeraha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ka sameystay guryo noocyo kala duwan isugu jira. (Qaarkood waxay dhisteen Aqallo cooshado ka sameysan, qaar kalena waxay dhisteen guryo Jiingado ah).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia