Maxay ku saleysan yihiin kulamo u socda Saraakiisha Midowga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan iyo Xubno dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Isniin, November 17, 2008(HOL): Inkastoo dhawaan Guddi loo saaray xal u helidda Khilaafka ka dhex jira qeybaha Saraakiisha Midowga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan ay soo saareen go'aamo sida ay sheegeen saldhiga adag looga dhigay xal u helida Khilaafka ka dhax aloosan Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Gobalka, ayaa hadana dhinaca kale waxaana wali muuqanaya in khilaafkaasi yahay mid aan dhamaan.
 
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Beledweyne ku sugnaa Saraakiil sida la sheegay ka tirsan Midowga Maxkamadaha, waxaan warar soo baxaya sheegayaan in uu jiro kulan hoose oo u dhaxeeya qeybaha Maxkamadaha ku wada sugan Gobalka iyo Saraakiisha timid si loo lafo-guro waxa uu salka ku hayo Khilaafka jira.
 
Ilo Xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulamada u socda dhicayada Maxkamadaha ayaa sheegaya in aan wali inta badan aan laysku af-garan waxyaabihii looga wada hadlay kulamadii dhacay, waxaana wararku intaa ku darayaan in Saarkiisha dhex dhaxaadinta u timid laftirkooda lagu dhaliilay qaabka ay wax u wadaan.
 
Mid ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha oo diiday in Magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in Saraakiisha dhax dhaxaadita wada yihiin kuwo u janjeera sida uu hadalka u dhigay aragtida garabka ka mid ah dhinacyada is-haya ee ku wada sugan Gobalka Hiiraan, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Siyaasadda ku wajahan heshiiskii dhawaan Isbaheysiga dib u Xoreynta iyo Dowladda Federaalka ku wada gaareen Dalka Jibuuti oo sida uu sheegay ay u arkaan Saraakiisha timid mid u baahan in laga fiirsado.
 
''Dabcan haddii la doonayo in wax la dhexdhaxaadiyo waxaa wanaagsan in dhex dhaxaadintaa ay ka qeyb-galaan dhinacyo kale oo ka madax banaan Siyaasadaha jira, marka u maleen mayo in kulamada socda yihiin kuwo wax isku soo jiidi doona” ayuu yiri Sarkaaalkan  oola hadlay HOL.
 
Laakiin dhinaca kale waxaa jira warar intaas ka badan oo sheegaya in Saraakiisha timid Magaalada Beledweyne ay u socdaan in Mas'uuliyiinta Midowga Maxkamadaha Gobalka laga weeciyo Siyaasadaha iska soo horjeeda ee Jabuuti iyo Asmara, isla markaana noqdaan kuwo intaas oo dhan ka madax bannaan.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulmada is-daba joogga ah ee uga socda Magaalada Beledweyne Saraakiisha Maxkamadaha iyo Xubanaha la sheegay in ay u kicitimeen dhex dhexaadinta ayaan la ogeyn halka ugu dambeyntii saldhigan doonaan, waxaana xusid mudan in xubnaha soo gaaray Magaalada Beledweyne aysan wali is arag Xog-haya Arrimaha gudaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Col. Cumar Xaashi Aadan oo ku sugan Magaalada Beledeyne.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia