Mid ka mid ah Musharixiinta Madaxweynenimo ee Puntland oo Xukuumada Puntland ku eedeeyay Musuq-Maasuq Dhaqaale

Cabirka Farta

Khamiis, November 13, 2008(HOL): Axmed Siciid Aw-nuur  oo ka mid ah Musharaxiinta iminka u tar tarmaya doorashada Puntland, horayna  xil wasiirnimo uga soo qabtay Xukuumadda iminka jirta ee uu eedeynayo   ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Cadde  ay dhaqaalaha si khaldan u  marayso.

Musharaxa  ayaa hadalkan sheegay  xili u marti sharaf u samaynayay in ka badan 300 oo haween ah, kuwaasi oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee  Puntland ay ka kooban tahay.

"Wax Mushaar ah ma qaadan Bishii 9aad, waxaana dakhli ahaan ay u soo xareysay wasaaraddii aan ka shaqaynayay  49 Bilyan oo Shilinka somaaliga ah, mana jirto cid mushaar loo waayay"  sidaas waxaa yiri Axmed Siciid oo horay wasiir uga ahaa xukuumadda  jirta hadana u tartamay doorashada Puntland.

Musharax Axmed Siciid Aw-Nuur oo ka hadlayay Amniga Puntland ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay awood u leedahay wax kasta, balse ay iyadu iska dhaga tirayso. Waxaa kaloo  Musharaxa uu sheegay in haddii la doorto uu soo celin doono   Gobolka  Sool oo iminka uu ka arrimayo Maamulka Somaliland, isagoo intaasi ku daray in Xukuumadda uu garab qaban doono haddii laga guuleysto

Waa Musharaxii ugu horeeyay oo ka tirsan Musharaxiinta Puntland, oo dhaliilo u jeediyay Xukuumadda iminka jirta , waxaana dhamaan ay hadalladiisa u muuqdaan kuwa ka soo horjeeda Xukuumadda Madaxwayne Cadde

Ugu dambayntii hadalkaan ka soo  yeeeray Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Boosaaso ay soo gaareen Musharaxiin aad u faro badan, kuwaasi oo doonaya kalsoonida shacabka Bossaaso ay helaan.

Faysal Maxamed  Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia