Khamiis, November 13, 2008(HOL): Xoogag Islaamiyihiin ah oo gacanta ku haya Gobolka Jubbadda Dhexe ayaa waxay Xarunta Gobolkaas ee Jilib ka mamnuuceen in qaadka lagu iibiyo, laguna isticmaalo, iyadoo digniin la siiyay qofkii qaad soo geliya degmadaas.
Saraakiil u hadlay Xoogaggan Islaamiyiinta ah ee Degmadaas ku sugan ayaa waxay sheegeen in qofkii lagu arko isagoo qaad ku dhex heysta Magaalada ganacsi ahaan ama isagoo cunaya laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Ganacsatada Qaadka ee Degmada Jilib ku sugan ayaa si weyn uga xumaaday amar la dul-dhigay ganacsigooda, waxayna sheegeen in ay Qaadka ka raadsan jireen nolol maalmeedkooda.
Dhanka kalena Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Xoogag kale oo Islaamiyiin ah ayaan maalmihii la soo dhaafay la keenin wax Qaad ah, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay biyo ka hooray roobabka deyrta ay gooyeen Waddooyin isku xira Gobolka Jubbada Hoose iyo Dalka Kenya.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii Diyaarad Qaad keentay Garoonka Kismaayo ay rasaaseeyeen Xoogagga la wareegay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo, inkastoo mas’uuliyiin u hadlay maamulka gacan ku haya Magaaladaas ay sheegeen in falkaas uu ku dhacay qaab iska war qab la’aan ah, diyaaraddaasna ay u soo degtay si ka duwan sida ay diyaaradaha caadiga ah isticmaalaan.
Shaqaado ka dhacay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud ayaa iyadana waxay salka ku heysay Qaad ay mamnuuceen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ku sugan Degmadaas, iyadoo shaqaaqadaasna ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray xoogagga Al-Shabaab iyo Dhalinyaro deegaanka ah oo la dagaalantay.
Xoogagga Islaamiyiinta ah ee mar kale ku soo xoogeysanaya Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxay dib u bilaabeen mamnuucidda qaadka iyo maan-dooriyayaasha kale, waxayna sidan oo kale ay mamnuuceen xiligii uu talinayay maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee 6da bilood ka talinayay Deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia