Khamiis, November 13, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in gacan-ku-heynta Degamadaas ay la wareegeen Xoogag ka amar qaata dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogagga Al-Shabaab ay Degmada la wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin, waxayna taas ku suurtagashay iyadoo maamulkii horay u joogay uu halkaas isaga baxay.
Dadweyne aad u faro badan oo ku dhaqan Degmada Janaale ayaa si weyn u soo dhaweeyay xoogagga Al-Shabaab markii ay tageen Degmadaas, waxayna markiiba la wareegeen xaruntii maamulka degmada iyo goobaha muhiimka u ah isu socoka Degmada.
Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay noqotay Degmadii afaraad oo ay la wareegaan xoogagga Al-Shabaab, waxayna horay ula soo wareegeen Degmooyinka Qoryooley, Marka iyo Deegaanka Buulo-Mareer, iyadoo ay jiraan warar haatan na soo gaaraya oo sheegaya in Xoogagga Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Aw-dheegl ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kalena Mas’uuliyiin ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa shalay waxay meel fagaare ah kula hadleen dadka ku dhaqan Magaalada Marka, iyagoo sheegay in aaney jirin lacago canshuur ah oo laga qaadi doono goobaha ganacsiga, sidoo kalena maamul Islaami ah loo sameyn doono Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyntiina, La wareegitaanka Xoogagga Al-shabaab ee Deegaannada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Degmada Marka ka sheegay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) in maamul Islaami ah loo sameyn doono Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia