Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Cabirka Farta

Arbaco, November 12, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan  in gacan ku heynta magaaladaas ay la wareegeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogagga Al-Shabaab ay Magaalada Marka la wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin, waxayna taas ku suurtagashay iyadoo ciidamadii horay u joogay magaalada ay isaga baxeen.

Dadweyne aad u faro badan oo ku dhaqan magaalada Marka ayaa si weyn u soo dhaweeyay xoogagga Al-Shabaab markii ay tageen Magaaladaas oo maamulkii iyo Ciidamadii horay ugu sugnaa ay xalay isaga baxeen.

Xaaladda magaalada Marka ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqa Dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee magaalada, inkastoo gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Waa Magaaladii labaad oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya oo Deked iyo garoon leh oo ay la wareegaan Xoogagga Al-Shabaab, waxayna horay ula wareegeen Magaalada Kismaayo Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Qoryooley iyo Deegaanka Buulo Mareerna waxay sheegayaan in ay xaaladda deegaannadaas degan tahay, isla markaana ay dadka ku dhaqan si caadi ah u wataan howl maalmeedkooda, iyadoo xoogagga Al-Shabaabna la soo sheegayo in ay deegaanno hoos-yimaada Degmada Qoryooley ay ka wadaan howlgallo ay burcadda kula dagaallamayaan.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu dhawaanahan la wareegayay gacan ku heynta Deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen deegaanno hoos-yimaada Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud oo shalay iyo habeen hore la wareegen gacan ku heyntooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia