Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay aadayaan Shabeelaha Hoose haddii ay amarkaas ka helaan madaxda sare ee Dowladda

Cabirka Farta

Arbaco, November 12, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in ay Ciidamo u dirayaan Gobolka Shabeelaha Hoose haddii ay sidaas amar ku siiyaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daahir Maxamed Xirsi waxaa uu sheegay in marka Ciidamadooda amarkaas la siiyo ay ka hortegayaan Xoogagga Al-shabaab ee shalay la wareegay gacan ku heynta Degmada Qoryooley iyo Deegaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Haddii aan amarkaas ka helno Madaxda sare ee Dowladda, Ciidamadeena waa ay aadayaan Gobolka Shabeelaha Hoose, si isku mid ah ayaana ula dagaallami doonnaa Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwii horay u joogay Gobolka”ayuu yiri Daahir Maxamed Xirsi oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamed Xirsi oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku filan yihiin meel kasta oo loogu diro in ay ka howlgalaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan u baahneyn in ay Ciidamo Itoobiyaan ah gacan siiyaan.

“Annaga weerar kuma nihin deegaannada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka oo waad la socotaan Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka wada hadal ayaa u socda, xabad joojinna wey kala saxiixdeen”ayuu yiri Daahir Maxamed Xirsi oo sheegay in cidda ay la dagaallamayaan ay tahay Al-Shabaab oo sida uu yiri ka amar qaata Osama Bin Laden.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenkan u hadlay Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay la wareegeen xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia