
Arbaco, November 12, 2008(HOL): Munaasabad heer sare ah oo si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Isboortiga ee maamulka Puntland Mudane Cabdi Nuur Cilmi ayaa waxaa ay ka dhacday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho waxaana intii ay munaasbadu socotay uu guddoomiyaha kubada Cagta Soomaaliya Siciid Mugaabe qalab isboorti guddoonsiiyay wasiirka isboortiga Puntland.
Wasiirka Isbootiga Puntland cabdi Nuur Cilmi oo munaasbadaas ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqeynta iyo wajiga cusub ee u bilaabmay xiriirka kudaba cagta iyo maamulka Puntland waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in labada dhinac ay iska kaashadaan sidii Soomaaliya dhanka isboortiga midnimadeeda loogu baadi goobi lahaa.
“Wax kale haddii aynu iska deyno isbsoortiga ayaa keeni kara midnimada iyo maslaxadda Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka oo guddoomiyaha kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Siciid Maxamuud Nuur {Mugaabe} ka gudoomayay qalab Isboorti oo loogu talagalay Puntland.
Wasiirka ayaa ku amaanay madaxa xiriirka kubada cagta sida ay u daneynayaan in horumarka isboortiga ee Puntland ay gacan ka geystaan,waxaana uu tusaale usoo qaatay seminaar dhawaan gobalada Puntland uu xiriirku ugu qabtay magaalda gaalkacyo kaas oo lagu baranayay garsoorka iyo maamulka kubada cagta.
Sidoo kale guddoomiyaha kubaca dagta siciid Mugaabe ayaa sheegay in qalabkaas loogu talagalay in lagu qabto cayaaraha gobalada Puntladn ee uu xiriirku qaban qaabninayo kuws oo bilaaban doona 20-ka bishan aynu kujirno.
Maanta Arboco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka amba baxaan garoosreyaashii qaban lahaa cayaaraha gobalada Puntland ee 20-ka bishan bilaaban doona iyadoo xiligan ay gobalada Puntladn joogaan madax ka tirsan xiriirka kubada cagta oo ay ka midyihiin guddoomiye ku xigeenka koobaad cali sicidi Guuleed iyo xoghayaha guud cabdi qani Saciid carab.



Shaafici Muxyaddiin Abuukar
[email protected]
Mogadishu, Somalia