Dowladda Federaalka iyo Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ku baaqay in la qaato lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga

Cabirka Farta

Talaado, May 06, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay war ka soo saareen banaanbaxyo shalay iyo maanta ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo salka ku haya diidamada Lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah ee duugowday.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Xaamud ayaa sheegay in Dowladda ay ku baaqeyso in la qaato lacagtii hore ee jirtay markii ay burbureysay Dowladdii hore, isagoo lacagta cusubna ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

“Waxaa sharci ah lacagtii jirtay markii ay burbureysay dowladdii hore, waxaana leenahay iyada ayaa sharci ah ee dadka iyo ganacsatada ha qaateen”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo intaas ku sii daray in ciddii diida qaadashada lacagta sharciga ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in inta ay Dowladda ka soo sameyneyso lacag cusub oo lagu bedelayo lacagtii hore ee duugowday ay tahay in ay shacabka iyo ganacsatada qaataan lacagtii hore, isagoo carrabka ku dhuftay in lacagta cusub ay tahay mid been abuur ah oo aan sharci ahayn.

Dhanka kalena, Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo iyaguna maanta shir ku yeeshay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay soo saareen go’aan ah in la qaato lacagta Kunka Shilin ee hore, isla markaana la diido lacagta cusub ee Kunka shilin, iyadoo ay ganacsatadii shirka isugu timid oo isugu jiray kuwo yar yar iyo kuwo waa weyn ay isku dhaarsadeen in aaney qaadan wax aan ka ahayn Lacagta Kunka Shilin ee hore.

Afhayeenka Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in go’aanka ay ka qaateen qaadashada lacagta Kunka Shilin ee duugowday uu yahay mid dhab ah, wuxuuna sheegay in meel-marinta go’aankaas ay isu kaashan doonaan dhamaan ganacsatada iyo Ciidamada gaarka ah ee Suuqa Bakaaraha.

Hadallada ay sii daayeen Dowladda Federaalka iyo Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay iyo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen Dibadbaxyo ay dhigayeen dadka ka careysan diidmada lacagta duugowday ee Kunka Shilin Soomaaliga iyo weliba sicir barar ku yimid raashinka quutul-daruuriga ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia