Talaado, May 06, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in duqeyntii ay dhawaan Ciidamada Mareykanka ka geysteen Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ay digniin u ahayd Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo u waramayay Wariye Xasan Shiikh Axmed Cadde oo ka tirsan Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in duqeyntaas ay ahayd mid uu Mareykanka ku bartilmaameedsanayay rag sida uu yiri ka tirsan Argagixisada caalamka oo halkaas ku sugnaa.
Wasiirka oo sheegay in ay Dowladda Federaalka ka xun tahay Dadkii rayidka ahaa ee ay waxyeellada ka soo gaartay duqeyntaas, hadana waxaa uu xusay in ay wanaagsaneyd in la duqeeyo Aadan Xaashi Ceyrow iyo Raggii kale ee la geeriyooday, wuxuuna sheegay in Aadan Ceyrow uu ahaa Nin qarbudaad ka waday Soomaaliya oo dilal badanna geystay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa wuxuu noqday mas’uul ugu horeeyay oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka hadla Duqeyntii uu Mareykanka ka geystay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.
1-dii Bishan May ayay ahayd Markii Gantaallo laga soo tuuray Markab Mareykanka leeyahay oo yaala Badweynta Hindiya lagu duqeeyay Guri ku yaala Degmada Dhuusa-mareeb, kaasi oo la sheegay in ay ku jireen Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo duqeyntaasna ay sidoo kale waxyeello kala duwan ka soo gaartay Dad rayid ah oo aad u badan.
Dhanka kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta ay Qaramada Midoobay dooneyso in ay ka dhex furto Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ay dhinacooda diyaar u yihiin in wada hadallo la furo, horayna ay u caddeeyeen mowqifkooda arrintaas ku aadan.
Wuxuu sheegay Cali Axmed Jaamac Jengeli in ay dhowr jeer caddeeyeen mowqifooda ku aadan in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, isagoo xusay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay ula hadli lahayd mucaaradka ka soo horjeeda.
Ugu dambeyntiina, 10-ka bishan oo ay 4 maalmood naga xigto ayaa lagu wadaa in ay Dalka Jabuuti ku kulmaan guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo iyadoo ay dhexdhexaadineyso Qaramada Midoobay ka wada hadli doona arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa Mushkiladda Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in guddiyadan oo min 7 xubnood ka kooban ay yihiin kuwo farsamo oo ka shaqeynaya sidii loo qaban lahaa kulan weyn oo ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia