Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid

Cabirka Farta

Talaado, May 06, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegayo in xaafadaha ay howlgallada ka sameeyeen qaarkood lagu weeraray.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka baxay Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxay isku fidiyeen Xaaadaha ku teedsan Wadada Warshadaha, si gaar ahna waxay uga howlgaleen Xaafadaha Towfiiq, Carafaat, Nawaaxiga Jaamacadda Muqdisho, Godey Makane iyo Qabuuraha Barakaat.

Wararka ka soo baxaya howlgalka Ciidamadaas ayaa waxay sheegayaan in intii ay Ciidamada howlgallada wadeen ay weerar ku soo qaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, iyadoo uu labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa jira warar sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ay xaafadahaas ka qabteen Dad tiro badan oo ku sugnaa guryahooda, kuwaasi oo la sheegay in markii ay cabaar hayeen ay iska sii daayeen.

Xaafadaha ay Ciidamada Itoobiyaanka ka howlgaleen ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxay yihiin kuwo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen kadib markii ay Xaafadahooda noqdeen aag dagaal oo ay ku hardamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka howlgallo ka sameeyaan Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, isla markaana lagu weeraro, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo Xaafadahaas lagu weeraray iyagoo howlgallo ka sameynayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia