Kooxo hubeysan oo markii ugu horeysay weerar ku qaaday fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Asluubta

Cabirka Farta

Khamiis, May 22, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu maqribnimadii Caawa ka dhacay Xeradii Asluubta oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar culus ku qaadeen xeradii Asluubta oo ay tahay markii ugu horeysay oo weerar fool ka fool ah lagu qaado Ciidamada ku sugan.

Ilaa iyo haatan lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay xeradaas, waxayse dad degan nawaaxiga xeradaas ay sheegeen in dagaalka uu yahay mid xooggan oo xerada dhowr jiho looga soo qaaday.

Ciidamada Itoobiyaanka ee la soo weeraray ayaa iyaguna waxay adeegsanayaan madaafiic culus iyo rasaas yar yar, iyadoo kooxaha weerarka ku soo qaaday ay iyaguna adeegsadanayaan Madaafiic xooggan oo u badan kuwa garbaha laga tuuro.

Waa markii ugu horeysay oo ay Kooxaha ka soo  horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadaan Xeradaas, waxaase jirtay mar uu xeradaas ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftiisa huray.

Dhanka kalena, fariisin ay Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada ayaa sidoo kale waxaa caawa lagu qaaday weerar loo adeegsaday madaafiicda Hoobiyaha, waxaana lagu soo waramayaa in ay Xaruntaas gudaha u galeen ilaa 6 madfac oo Hoobiye ah.

Ugu dambeyntiina, Weerarrada caawa maqribnimadii lagu qaaday fariisimada ay Ciidamda Itoobiyaanka ku leeyihiin Xeradii Asluubta iyo Xarunta Warshaddii Baastada ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maanta uu shaaca ka qaaday Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ah Hoggaamiye sare oo ka tirsan Madaxda Midowgii Maxkamadaha Islaamka in ay dalka Soomaaliya ka saarayaan Ciidamada  Itoobiya iyo iyadoo uu shalayna sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in uusan Ciidamadiisa ka saareynin Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia