Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale qarax lagula beegsaday Wadada Maka Al-Mukarama

Cabirka Farta

Khamiis, May 22, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku marayay inta u dhaxeysa Saldhigga Degmada Waaberi iyo Hotelka Ambassador oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama ayaa qarax lala beegsaday.

Qaraxan oo ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa la sheegay in uu Ciidamada Itoobiyaanka u geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sida ay sheegeen Dad deegaankaas ku sugan waxaa la arkayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhulka yaala, kuwaasi oo aan la kala cadddeyn karin in ay dhaawac ahaayeen iyo in ay dhinteen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii qaraxaas lala beegsaday kadib waxay fureen rasaas xooggan, taasi oo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin khasaare ay geysatay, iyadoo kadibna ay goobta soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo qaaday ciidamadii uu qaraxa waxyeellada u geystay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ay ku jireen howlo Miino baaris ah, waxayna socod lug ah ku marayeen halka ay Miinada kula qaraxday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Miino halkaas kula qaraxdo Ciidamada Itoobiyaanka, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo Ciidamada Itoobiyaanka qaraxyo lagula beegsaday inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Sayidka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Wadadaas ay tahay mid ay inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia