Ammaanka Magaalada Baydhabo oo aad loo adkeeyay wufuud Caalami ah oo maanta imaaneysa aawgeed

Cabirka Farta

Khamiis, May 22, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay shegeayaan in ammaanka magaaladaas si weyn loo adkeeyay.

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo aad u badan ayaa saaka la soo dhoobay Waddooyinka Magaalada Baydhabo, waxaana la arkayay iyadoo ay Ciidamadaas si teel teel ah u taagan yihiin Waddooyinka Magaalada.

Sababta loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay halkaas soo gaarayaan Khubarro Caalami ah oo aqoon u  leh arrimaha Federaalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Wafdigan Caalamiga ayaa magaalada Baydhabo waxay uga qeybgelayaan xaflad looga dhawaaqayo diyaarinta Dastuurka Federaalka ah, kaasi oo ay diyaarintiisa u xil-saaran tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xukuumaddan tii ka  horeysay aysan ku guuleysan in ay diyaariso Dastuurka Federaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda uu wax yar ka harsan yahay ayaa waxyaabihii loo xil saaray markii la soo doortay waxaa ka mid ahaa in ay diyaariso Dastuurka Federaalka, in afti laga qaado dadka, in ay dalka gaarsiiso doorashooyin xor ah, diyaarinta Dastuurka Federaalka ee maanta loo xafladeynayana wuxuu qeyb ka yahay waxyaabihii laga sugayay Dowladda in ay sameyso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia