Arbaco, May 21, 2008(HOL): Ganacsatada uu u raran yahay Markabka Victoria ee dhawaan lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa Markabaas oo lagu heysto Xeebta Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Maxamuud Shariif oo ka mid ah ganacsatada uu Markabkan u raran yahay ayaa wuxuu sheegay in uu u bilowday wada hadal ay la leeyihiin kooxaha markabka heysta, wuxuuse sheegay in ay wada hadalladaas yihiin kuwo aan war badan laga bixin karin.
Markabka MV. Victoria oo laga leeyahay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta balse ka diiwaan-gashan Dalka Jordan ayaa lagu soo waramayaa in haatan lagu hayo deegaan lagu magacaabo Murgane oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo shaqaalaha iyo badeecada saaran oo Sokor ahna ay bed qabaan.
Sida ay sheegeen ganacsatada uu Markabkan u raran yahay waxaa uu Markabkan ka soo shiraacday Deked ku taala Magaalada Mombay ee dalka India, wuxuuna wadaa sokor tankeedu dhan yahay 4,200, iyadoo shaqaalaha saaranna ay ka soo jeedaan Qaaradaha Asia iyo Africa.
Ugu dambeyntiina, Af-duubka Markabkan lagu heysto ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Dalalka Reer Galbeedka, kuwaasi oo sheega in ay Xeebaha Soomaaliya ugu sugan yihiin in ay ka ilaaliyaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia