Arbaco, May 21, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa nin rayid ah waxay ku toogteen Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn sababta loo dilay ninkaasi oo ahaa nin dhalinyaro ah.
Goob-jooge ka dhawaa halka ninka lagu dilay oo ah nawaaxiga Masjidka Dabaqeynta ee Degmada Madiina ayaa wuxuu sheegay in ninka la dilay oo da’diisa lagu qiyaasay 25 jir ay toogteen Rag Bastoolado ku hubeysnaa.
Dilka ninkani dhalinyarada ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan ammaanka Degmada Madiina uu ahaa mid ka soo reynayay sidii uu ahaa waqtiyo sii horeeyay xiligaas oo ay Degmada ka dhici jireen, dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaado fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmadaas.
Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay dilalka loo geysto dadka rayidka ah, iyadoo dadkaas qaarkood loo bartilmaameedsado in ay xiriir la kala leeyihiin dhinacyada isku haya Soomaaliya, iyadoo meesha aysan ka marneyn dilal u dhaca qaab aar-goosi ah ama burcadnimo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia