Arbaco, May 21, 2008(HOL): Waxaa saaka xaaladdooda degan tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay iyo Deegaanka Siinka dheer oo shalay labaduba ay ka dhaceen shaqooyin dhimasho iyo dhaawac sababay.
Deegaanka Siinka Dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo shalay casir-liiqii lagu weeraray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xaalkiisa wuxuu yahay mid degan, waxaana fariisinkaas dib ugu laabtay Ciidamada Dowladda oo shalay laga qabsaday.
Waxay ahayd markii labaad oo ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka la wareegaan Deegaanka Siinka Dheer oo ay taallo isbaaro ay Ciidamada Dowladda lacag uga qaadaan gaadiidka Wadadaas isticmaala oo isugu jira kuwa Dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada.
Sidoo kalena, Magaalada Baydhabo ayaa iyadana la soo sheegayaa in ay xaaladdeeda saaka degan tahay kadib markii shalay galab uu ka dhacay dil iyo qarax lala kala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda Dowladda iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda.
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cali Garre ayaa shalay lagu dilay magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in nin dilkiisa ka dambeeyay isna la dilay, iyadoo dilkaas kadibna uu magaalada ka dhacay qarax lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel uu yaalay meydka ninka Sarkaalka dilay.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanayay dilal loo geysanayay Dad Rayid ah iyo kuwo u shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena ay Magaalada ka dhacayeen weerarro lagu qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia