Kooxo hubeysan oo la wareegay fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku lahaayeen Deegaanka Siinka Dheer

Cabirka Farta

Talaado, May 20, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta wuxuu ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala halka loo yaqaano Siinka Dheer oo u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalkan oo waqti kooban socday balse intii uu socday la isugu adeegsaday hub culus ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa waxay sheegayaan in Barta Koontarool ee ku taala Deegaanka Siinka Dheer oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacan ku heynteeda la wareegeen Kooxaha weerarka ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkaas oo ahaa mid xooggan lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa Ciidamadii fariisinkaas joogay, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacmeen dad uu ku jiray nin rayid ah oo saarnaa gaari BL ah oo marayay nawaaxiga fariisinka Siinka Dheer.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegaan fariisinkaas, mar sii horeysay ayayna ahayd markii sidoo kale Ciidamada Dowladda lagala wareegay, iyadoo weerarka fariisinkaas lagu qaadayna uu ahaa mid gaadmo ah, sida ay ku waramayaan Dad ka dhawaan Deegaanka Siinka Dheer.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarrada ay qaadaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan in ay u wareegeen dhinaca Magaalooyinka ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dhawaanahan la soo sheegayay in Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Bakool, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoosea iyo Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia