Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, May 20, 2008(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka trisan Degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ka soo baxay Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xeradii Guul-wadayaasha ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafadaha Raadeerka, Ex-Koontarool Afgooye iyo nawaaxiga Warshaddii Caanaha, iyadoo halkaasina ay ka qabqabteen dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.
 
Dad ku sugan Xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile ayaa waxay sheegeen in  Ciidamadan oo aad u hubeysan ay saaka aroortii ku soo faafeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Dayniile, iyadoo lagu arkayay hareeraha Wadada Warshadaha.

Howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay qaraxyo laga maqlayay nawaaxiga Xarunta Warshaddii Gaashaandhigga oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo qaraxyadaasna loo maleeyay in ay ahaayeen kuwo lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaanka.

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ah ayaa mar kasta oo weerarro lagu qaado waxay sameeyaan howlgallo ay ku baarayaan xaafadaha ku yaala jihooyinka laga soo weeraro, inkastoo Dadka Xaafadahaas ku dhaqan ay ka cararaan guryahooda inta aysan Ciidamadaba soo gaarin, marka la reebo dadka aan carari karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia