Talaado, May 20, 2008(HOL): Dad badan oo ka cararay dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa haatan dhibaato kale ku heysataa Dalka Liibiya oo ay ku tageen Tahriib dhib badan.
Xabsiyo ku yaala Dalka Liibiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo Dalka Liibiya u tegay in ay uga sii gudbaan Dalka Talyaaniga, iyagoo dhinaca Badda Doomo uga gelaya, waxaana dadkaas xabsiyada dhexdooda ku heysata dhibaato xooggan.
Abshir Cumar Xagaley oo ka mid ah Dadkii Tahriibka ku tegay Dalka Liibiya ee la xiray markii ay halkaas gaareen ayaa wuxuu u sheegay Radio Somaliweyn in Soomaalida Xabsiyada Liibiya ku jirta ay dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada Xabsiyada ilaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ragga jir-dilaan, mararka qaarkoodna ay Dumarka kufsadaan.
Safaaradda Soomaalida ee fadhigeedu yahay Dalka Liibiya ayuu sheegay Abshir Cumar Xagaley in aysan waxba ka qaban dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada Dalka Liibiya, wuxuuna intaas ku sii daray in Dad xabsiyada laga sii daayay laga qaatay lacag dhan qofkiiba 700$.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan dhihi lahaa wax ka bedela qaab dhaqanka Safaaradda halkan u joogta oo aan waxba ka qabaneynin dhibaatada heysata Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Abshir Cumar Xagaley oo sheegay in dhibaatadii ay Dadka Soomaaliyeed ka soo carareen ay mid ka daran ugu tageen Dalka Liibiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu go’aansaday in uu dib ugu soo laabto Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia