Sariflayaasha Lacagaha Qalaad ee Suuqa Bakaaraha oo sheegay in ay qaadan doonaan Lacagta Duugowday iyo tan jeex-jeexan ee Shillin Soomaaliga ah

Axad, March 30, 2008(HOL): Sariflayaasha lacagaha qalaad ee ka shaqeysta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ay qaadan doonaan lacagta duugowday iyo tan jeex-jeexan ee koolada u baahan.
 
C/qaadir Maxamuud Baraale oo ka mid ah Sariflayaasha Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in sababta ay go’aankaas u qaateen ay tahay in ay u naxariistaan Dadka danta yar ee ay nolosha ku sii adkaatay kadib markii la diiday in laga qaato lacagta duugowday iyo tan jeex-jeexan ee Shillin Soomaaliga ah, taasi oo aaney jirin cid u bedeleysa.

“Waxaan ogaannay in uu jiro qorshe la doonayo in lagu socodsiiyo lacag cusub oo been abuur ah oo ay Dad soo daabacdeen, sidaas darteedna la rabo in Suuqa laga bixiyo lacagtii rasmiga ahayd oo iyada qudheeda sii yaraaneysa”ayuu yiri C/qaadir Maxamuud Baraale.

Go’aanka ay qaateen Sariflayaasha waa weyn ee Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho iyo Deegaanada u dhow dhow laga diidayay qaadashada lacagta duugowday iyo tan meelaha yar ka jeexan ee laga qaadan karo, iyadoo la arkayay ganacsato kala sooceysa lacagta oo u kala saareysa lacag cusub iyo mid duugowday.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo beryahan qaati ka joogay ganacsatada Lacagta kala sooceys ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Sariflayaasha waa weyn ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay rumeysan yihiin in haddii ay lacagta lacagta duugowday qaataan ay Magaalada intee kale ka socon doonto.

Ugu dambeyntiina, Maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta wuxuu soo saaray amar ka dhan ah ganacsatada diida lacagta duugowday, waxaana loo sheegay ganacsatada in haddii lagu arko iyagoo lacagtaas diidaya la ganaaxi doono Hal Milyan Shillin Soomaali ah, ayna sidoo kale  xabsi mudan doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia