Axad, March 30, 2008(HOL): Deegaanka Gamboole oo ku yaala xadka u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray labo Maleeshiyo Beeleed oo halkaas wada degan.
Dagaalkan oo waqti kooban socday ayaa waxaa uu sababay geerida hal ruux iyo dhaawaca labo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay.
Labadan Maleeshiyo ee dagaalantay ayaa lagu soo waramayaa in uu dagaalkooda salka ku hayo aano qabiil oo markeedii hore ka dhalatay Ceel Biyoodyo iyo Dhul Daaqsin ah oo ay horay ugu dagaalameen beelaha ay ka soo jeedaan maleeshiyooyinkan dagaalamay.
Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Deegaanka Gamboole oo uu ka mid yahay Nabaddoon Xasan Qaasim Qeyloy ayaa haatan waxay ku howlan yihiin sidii ay xiisadda oogantay u qaboojin lahaayeen, isla markaana xal loogu heli lahaa waxyaabihii keenay dagaalka.
Ugu dambeyntiina, Deegaanka Gamboole oo aysan ahayn markii ugu horeysay oo uu dagaal ka dhaco ayaa wuxuu ku yaallaa xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ku yaala Ceelal Biyoodyo badan oo ay u soo waraab tagaan Dad ka yimaada Labada Gobol, kuwaasi oo markii ay cabaar joogaanba iskula kaca Falal Sed-bursi ah oo keena in ay dagaallamaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia