Axad, March 30, 2008(HOL): Magaalada Nairobi ee Caasimadda u ah Dalka Kenya ayaa waxaa ka socda dadaallo ay waddo beesha Caalamka oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa Mushkiladda Dalka Soomaaliya, isla markaana loo wada hadalsiin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Dadaalladan oo ay si dheeraad ah u wadaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo wakiillada dalalka daneeya ee Arrimaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu haatan marayaan heer fiican oo laga rajo qabi karo in uu dhaco wada hadal lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya ka taagan, kaasi oo ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Dhinacyada dadaalkan wada waxay horay u dhegeysteen fikirka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qabto sida xal loogu heli karo dhibaatada dhowr iyo Toban Sano jirsatay ee ka taagan Dalka Soomaaliya, fikirkaasna sida uu ku waramay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Dowladda waa ay gudbisay, iyadoo caddeysay in ay diyaar u tahay in ay la hadasho mucaaradka ka soo horjeeda.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Magaalada Nairobi-na waxay sheegayaan in ay halkaas ka socdaan kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin Wakiillada Beesha Caalamka ee Nairobi ku sugan iyo madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan, kuwaasi oo ay shirarkooda socdaan shalay, xalay ilaa maanta.
Sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo ku sugan Magaalada Nairobi waxaa la filayaa in ay dhinacyada dhexdhexaadinta ka dhex wada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay ku guuleystaan inay ay isa soo horfariisiyaan guddiyo farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo u gogol xaari doona shir ay isugu yimaadaan Madaxda sare ee labada dhinac, kuwaasi oo markaasi kadib ka wada hadli doona xal u helidda dhibaatada Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Marka laga soo tago dadaalka dhexdhexaadineed ee ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxay afkooda ka dhowrayaan in ay Nairobi tageen in ay ku wada hadlaan, iyadoo dhinac kastana uu sheegayo in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay Casuumaad uu ka helay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia