Majaajiliistihii weynaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu oo Muqdisho ku geeriyooday

Majaajiliistihii weynaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu oo Muqdisho ku geeriyooday
Jimco, March 28, 2008(HOL): Waxaa caawa fiidkii ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Hoygii Fannaaniinta Soomaaliyeed (Ex-Fiyoore) Majaajiliistihii weynAA C/llaahi Amiir Rooble Aw-Kuu Kuu oo ay Dadka Soomaaliyeed intiisa badan ay garanayeen.

Marxuumka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuun beryahan hayay, kaasi oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday. C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka.

Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu  wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Marxuumka ayaa intii uusan geeriyoon oo aan ku booqannay hoygiisa wuxuu Dadkii u yimaadaba ku lahaa hal kalmad oo ahayd “ii soo duceeya”, wuxuuna ahaa qof aad u xanuunsanayay.

Haddaba Ma dhinte waa Alle, qof kastana mar uun ayuu geerida dhadhamin doonaa, sidaas darteed waxaan leenahay Alle ha u naxariisto Aw-kuu kuu Qoyskii, Qaraabadii iyo Ehelladii uu ka tegayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia