Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo isku rasaaseeyay Deegaanka Hiil-weyne ee Degmada Balcad

Jimco, March 28, 2008(HOL): Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay saaka isku rasaaseeyeen Deegaanka Hiil-weyne oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
 
Ciidamadan oo kala shakiyay ayaa is-rasaaseyn dhexmartay waxaa ay sababtay inuu geeriyoodo mid ka mid ah Ciidamadii Dowladda, isla markaana uu dhaawac soo gaaro labo qofood oo rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Hiil-weyne.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada is-rasaaseeyay ay kala ahaayeen kuwo ku sugnaa Deegaanka Hiil-weyne iyo kuwo ku sii jeeday Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay dhawaan waqti kooban la wareegeen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Sarkaal u hadlay maamulka Degmada Balcad ayaa sheegay in is-rasaaseyntaas kadib ay is-garteen labada Ciidan, uuna dagaalkoodii sidaas ku istaagay, isagoo sheegay in uu iska hor-imaadka ka dhex dhacay uu ka dhashay kala shaki labada dhinac ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay kala shakiyaan, isla markaana ay is-rasaaseeyaan Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay muujineyso sida aysan isaga war qabin hoggaanka Ciidamada Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia