Cudur Beerka Barariya oo Dad 30 Ruux gaaraya ku dilay Deegaanka Bardaale ee Gobolka Bay

Jimco, March 28, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu deegaanka Bardaale ee Gobolkaas uu ka dilaacay Cudur Qofka uu ku dhaco uu Beerka ka bararayo, kadibna uu geeriyoonayo.

Dad gaaraya 30 Ruux ayaa Cudurkan ugu geeriyooday Deegaanka Bardaale, iyadoo haatanna ay jiraan Dad uu hayo Cudurkan oo deegaankaas ku sugan, kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad ay khatar ku jirto.

Cudurkani oo ah mid ku cusub Deegaanka uu ka dilaacay ayaa wuxuu yahay mid fidaya, waxaana taasi lagu ogaaday kadib markii ay is-qaadsiiyeen Qoysas deris ahaa.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan ayaa sheegay in cudurkan oo ay dadka ka qaadeen biyo ay cabeen oo ahaa kuwo dhanaan oo aaney nadaafadooda wanaagsaneyn ay tahay markii ugu horeysay oo lagu arkay Deegaanka uu hadda ka dilaacay.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Bardaale ee Gobolka Bay ayaa waxay si weyn uga walaacsan yihiin Cudurkan oo weliba ah mid fidaya, waxayna Dadka qaarkiis bilaabeen in ay Deegaankaas ka haajiraan inta uusan Cudurka asiibin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Soomaaliya oo muddo 17 sano ah weli ku jira burbur iyo Nidaam la’aan ayaa dadkiisa waxay yihiin kuwo ay isugu darsameen Colaad, Cudur iyo  Abaar, waxaana mar kasta la maqlaa codsiyo ku socda Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii gacan siin lahaa Dadka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia