Caawa 12-ka Saqda dhexe oo ku beegan sanadguuradii 48aad ee ka soo wareegatay markii ay Soomaaliya xornimada buuxda ka qaadatay gumeystayaashii heystay

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008(HOL): Caawa 12-ka habeennimo oo ay bilaneyso bisha Luulyo ayaa waxaa ku beegan 48 guuradii ka soo wareegatay markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumeystayaashii Ingirisiiska iyo Talyaaniga.

Waxay ahayd 1-dii Luulyo 1960 markii ay Soomaaliya xornimadaas buuxda heshay, isla markaana ay midoobeen Gobollada Koofur iyo Waqooyi ee Soomaaliya. 26-kii June 1960 waxaa Ingiriiska Xornimo ka qaatay Gobollada Waqooyi, halka ay Gobollada Koofureedna ay xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo 1960.

Munaasabadahaas ay afarta maalmood u dhaxeyso waxaa loo maamuusi jiray si heerkeedu sareeyo balse wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya Munaasabadahaas waxay noqdeen kuwo hela xus rubac kiilo ah, waaba haddii aysan waayine.

Docda kale Mas’uuliyiinta Somaliland ee mucaarid iyo muxaafid u kala jira laguma soo qaadi karo xuska Munaasabadahan, xitaa haddii ay ahaan lahayd maalintii ay Ingiriiska ka xoroobeen Gobollada Waqooyi ee 26-ka June, waxayna taasi bedelkeeda ka jecel yihiin in ay maasuusaan 18-ka May oo ku asteysan markii ay Gobollada Waqooyi ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Sanadkan iyo sanadkii ka horeeyay Dadka ku dhaqan Koofurta Soomaaliya waxay u soo galeen Munaasabadahan iyadoo ay Dalka Soomaaliya ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka sheegayaan in ay Soomaaliya u joogaan in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, halka Dadka Dowladda ka soo horjeedana ay qabaan inay Ciidamada Itoobiyaan Soomaaliya ku soo galeen xoog, isla makraana ay dadka Soomaaliyeed gumeysanayaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Labadaas munaasabadood ayaa waxay yihiin kuwo mudan in la qadariyo bacdamaa ay ku asteysan yihiin maalmo ay Soomaaliya ka xoroobeen gumeysiyo qeybsaday sida ay dalalka Caalamka ee gumeysiga soo maray ay u leeyihiin maalmo ay weyneeyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia