Labo Wariye oo Faransiis ah oo maanta ka badbaaday isku day afduub oo la doonayay in loogu geysto Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008(HOL): Kooxo dablay ah ayaa Maanta weerar aad u xoog badan waxa ay ku qaadeen labo Wariye oo u dhashay dalka France ,kuwaasi oo Magaalada Bosaaso u yimid in ay warbixino ka diyaariyaan Arimaha afduubka burcad badeedyadka iyo tahriibta.

Kooxaha Weerarka soo qaaday ayaa doonayay In afduub ay u gaysteen labadaasi wariye ,waxaana rasaas aad u xoogan is waydaarsaday ilaalada

Mar qura ayaa rasaas teel teel ah waxaa is waydaarsaday ilaalada labada Wariye iyo kooxihii dablayda ahaa ee weerarka soo qaaday ,iyadoo weerarkaasina uu ka dhaawacmay mid ka mid askartii ilaalada ahayd.

Ciidamada poliska Magaalada Bosaaso ayaa Gacanta ku dhigay gaari Bus ah oo ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday , waxaana Goobta ka baxsaday Burcadii weerarka ku soo qaaday labdaasi wariye ee u dhashay dalka France.

Intaasi ka dib waxaa la geeyay labada wariye dekada wayn ee Magaalada Bosaso si amaankooda loo sugo ,iyadoo ilaalo ay ka qabteen Ciidan aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Gobolka Bari.

Labdaan Wariye oo lagu kala magacaabo Batriga Farguus iyo Matriyo ayaa in muddo ah ku sugnaa Magaalada Bosaaso iyo qaybo ka mid ah Gobolka Bari ,waxaana booqasho ay ku tageen deegaanado ka tirsan Ayl oo ay ka dhaceen afduubyo kala duwan.

Wasiirka amniga dawlad Goboleedka puntland C/laahi Siciiid Samatar ayaa saxaafada u sheegay in maamulku uu Gacanta ku soo dhigi doono kooxahii weeararkaasi ka danbeeyay.

"Puntland intaa in ka badan u dul qaadan mayso ayuu yiri" Wasiirka amniga Cabdulaahi Siciid Samatar oo la hadlayay saxaafada Gobolka Bari gaar ahaan tan Bosaaso.

Afduubka la doonayay in loo gaysto labadaan ruux ee ajnabiga ayaa waxa uu ku soo beegmayo ,iyiadoo baryihii u danbaysay ay afduubyo caalami ka dhaceen xeebaha puntland.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia