Isniin, June 30, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa wuxuu ka soo horjeestay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Wasiirka wuxuu sheegay in wareegtadaas looga been abuurtay, isla markaana lagu sheegay in degmooyin loo magacaabay Gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna sheegay in aysan jirin soo jeedin uu madaxweynaha u gudbiyay.
“Warqaddaas ma ahan mid aan wax ka ogahay, kama bixin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaanse u maleynayaa in warqaddaas ay madaxweynaha u geeyeen dad wax marin habaabinayay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin.
Hadalkaas culus ee uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin waxaa ka soo horjeestay Wasiirkii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo sheegay in uu aad uga xun yahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Idaacadaha ka hadlo, isla markaana uu sheego in uu ka soo horjeedo Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Gacma-dheere waxaa uu sheegay in magacaabista Degmooyinkaas ay waqti dheer geedi socod ku soo jireen, wuxuuna caddeeyay in kaliya ay ka harsaneyd in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku dhawaaqo.
Wareegtada uu soo saaray madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee uu Degmooyinka ugu magacaabay Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa loo cuskaday warqad soo jeedin ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taariikheysneyd 19/09/2007, xiligaas oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia