Axad, June 15, 2008(HOL): Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ayaa waxaa lagu sheegay in uu Isbaheysiga dib u dhigay shiweyne ay isugu imaanayaan xubnaha Isbaheysiga oo ka dhici lahaa Xarunta KMG ah ee Isbaheysiga oo ah Magaalada Asmara.
Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta ee Isbaheysiga Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in kadib markii la ogaaday in ay Asmara ku wajahan yihiin xubno badan oo Isbaheysiga ka tirsan in qabashada shirweynahaas dib loo dhigay ilaa 3-da bishan July ee soo socota.
Warsaxaafadeedkaas ayuu soo saaray Isbaheysiga kadib markii ay xubnihiisa jooga Magaalada Asmara shir isugu yimaadeen, iyadoo shirkaasina ay ka soo qeybgaleen xubno ay ka mid ahaayeen Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Xasan Mahdi iyo xubno kale.
Warsaxaafadeedkan ayaa loogu baaqay xubnaha Isbaheysiga meel ay joogaanba in ay ka soo qeybgalaan shirweynahaas dhici doona 3-da Bisha July ee soo socota.
Haddaba iyadoo Mas�uuliyiinta Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara ay shirkaas iclaamiyeen ayay sidoo kale mas�uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti iyana iclaamiyeen shirweyne loogu baaqayo xubnaha Isbaheysiga in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona Magaalada Djibouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia