COL. CADDOW WARSAME: “Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta

Cabirka Farta

Axad, June 15, 2008(HOL): Col. Caddow Warsame oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidmada Federaalka Soomaliya ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Dowladda Federaalka, isla markaana uu haatan wixii ka dambeeya uu yahay qof aan xil dowladeed heynin oo si iskiis ah u shaqeysta.
 
Sarkaalkan oo warbaahinta uga waramayay waxa ku kalifay in uu iska casilo xilkii uu hayay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay u cuntami weysay in isagoo ah Sarkaal darajadiisa Korneyl tahay in uu amar ka qaato Askari Alifle Itoobiyaan ah.
 
“Wadankan awood ka weyn ayaa saaran, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga ka ah Jen. Gabre, Abaanduulka Ciidamadana waxaa ka ah Sarkaalka heysta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga” ayuu yiri Col. Caddow Warsame.
 
Sarkaalkan is-casilay oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Sarkaal jooga Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga uu isaga iyo Saraakiil kale ka diiday oo dhawaan tababar dheeraad ku soo qaatay Dalka Burundi in  ay ku shaqeeyaan darajada Ciidan ee ay gaareen.

“Wuxuu nagu sarkaalkaas Itoobiyaanka ah  ma xiran kartaan Darajo Korneelnimo ee Ciidamadiina dhexda ka gala ee la howlgala, wuxuuna taasi noogu daray in aanan lahayn wax ciidamo ah oo aan ku hoggaaminno darajada ciidan ee aan leenahay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku jira Xaruntii Saraakiisha Shiirkole iyo Xeradii guul-wadayaasha uu xukumo Sarkaal Itoobiyaan ah oo degan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.
 
“Muddo bil ka badan ayaa Sarkaal Soomaali ah oo heystay Ciidamada jooga Xaruntii Saraakiisha waxaa biyo ku dhaansanayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga, markii la soo daayayna dalkaba wuu isaga tegay”ayuu yiri Col. Caddow oo sheegay in sababta sarkaalkaas loogu xadgudbay ay ahayd isagoo diiday in uu qaato amar ay siiyeen Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Waa sarkaalkii ugu horeeyay oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku dhaawaqay in uu isaga tegay shaqadii uu dowladda u hayay, isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay xaqiraad ku sameeyeen saraakiisha Ciidamad Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia