Axad, June 15, 2008(HOL): Maamulka gobolka Bay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu wax ka qabanayo falal nabadgelyo darro ah oo dhawaanahan ku soo badanayay Degmooyinka Gobolkaas.
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in ay dadaal xoog leh ugu jiraan sidii ay u hagaajin lahaa ammaanka degmooyinka Gobolka Bay.
“Magaalada Baydhabo oo Caasimadda Gobolka ah waxaan ka sameysnay lix barood oo ay sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Gobolka Bay, sidoo kalena Ciidamo Mileteri ah ayaa waxaa la dhigay inta u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo xadka uu Gobolka Bay la leeyahay Gobolka Shabeelaha Hoose, dhawaanna waxaan rajeynyenaa in ay wax weyn iska bedeli doonaan amni darradii ka jirtay degmooyinka Gobolka Bay”ayuu yiri C/fataax Ibraahim Geesey.
C/fataax Geesey waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale wax ka qaban doonaan amni darro laga soo sheegayo Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Bay, kuwaasi oo qaarkood ay dhowr jeer gacan ku heyntooda la wareegeen xoogag daacad u ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Hadalka uu sii dayay Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay degmooyinka Gobolka ka dhacayeen falal amni darro, kuwaasi oo kuwii ugu badnaa ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo oo markii ugu dambeysay lagu dilay labo nin oo ka kala shaqeynayay Xafiisyada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, iyadoo ka sii horna ay magaalada Baydhabo ka dhaceen falal nabadgelyo ah oo isugu jiray dil, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo hubeysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia